Thursday, January 9, 2025
HomeAll NewsMaamulka Soomaaliland oo Sheegay inuu Madmadow Badan uga Jiro MoU-gii ay la...

Maamulka Soomaaliland oo Sheegay inuu Madmadow Badan uga Jiro MoU-gii ay la Galeen Itoobiya.

Cabdiraxmaan Daahir Aadam oo ah wasiirka cusub ee arimaha dibadda maamulka Soomaaliland, ayaa sheegay inuu madmadow badan uga jiro MoU-gii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay wada galeen.

Wuxuu sheegay iney is khilaafsanyihiin wararka uu Muuse Biixi sheegay iyo kan Itoobiya ay tilmaamtay, sidaasi darteedna ay arinkaasi dib u eegayaan.

Wuxuu sheegay iney dooanayaan iney ictiraaf helaan, laakiin saasoo ay tahay aaney dooneynin iney ictiraaf cadaab ku muteystaan, sida uu warka u dhigay.

Arintan ayaa u muuqata mid ka tarjumeysa in maamulka labaxay Soomaaliland uu dareemayo in Abiy Axmed uu u weeecday dhanka Xasan Sheekh Maxmuud, maadaama uu halkaasi ka helayo bad aanu wax buuq ah ka taagneyn.

Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka ayaa ka wada siman in Itoobiya loo wada gacan geliyo badda Soomaaliya, hase yeeshee mid weliba wuxuu doonayaa inuu arinkaasi isagu xaqiijiyo.

Halkaan ka Degso Warka Maamulka Soomaaliland

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments