Cumar Shucayb oo ah wasiirka Xoolaha ee maamulka labaxay Soomaliland, ayaa sheegay inaaney Dowladda Federaalka marnaba ka ogolaaneynin iney dad iyadu wadato u xirto dhoofinta Xoolaha ee deegaannada wuqooyi galbeed Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dhowr maalmood ay hakiyeen maxjarkii Berbera, ayna doonayeen in dadku dareensiiyaan in go’aannada maamulka labaxay SOomaaliland oo keliya ay ka fuli karaan halkan.
Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ganacsade carab ah ay u xirtay dhamaan ganacsiga xoolaha nool ee laga dhoofiyo deegaannada wuqooyi galbeed Soomaaliya, taasoo ay dadka shacabka ah si adag uga hor yimaadeen.