Boliska gobalka Sanaag ayaa waxa uu awaamiir uu soo saaray kusoo rogay, dadka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalkaas.
Wixii ka dambeeya 10:00 oo habeennimo ayay sheegeen ineysan jirin cid socon karta, ciddii xilligaasi la arkana loo asteyn doono inuu yahay kuwa maandooriyaha isticmaala ama dambiilayaasha ah.
Waxa ay kaloo amar ku siiyeen ciidankooda iney gacanta kusoo dhigaan qof waliba oo shacab ah oo hub lagu arko.
Gaadiidkii hub lagu qabto ayay tilmaameen iney iyagu la wareegi doonaan ciqaab adagna ay marsiin doonaan, tallaabadaan ayaana kusoo aadeysa, iyadoo qeybo kamid ah gobalka ay ka socdaan dagaallo udhexeeya maamulkaas iyo kan la baxay SSC.