Ciidamada Booliiska maamulka labaxay Puntland ayaa sheegay Iney gacanta kusoo dhigeen Xubin sare oo katirsan Kooxaha Burcad-badeeddda.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug howlgal ka dhacay, ayaa lagu soo qabtay nin lagu magacaabo Cali Axmed Cali Shirwac, oo la sheegay inuu ahaa xisaabiyihii markabkii MV CABDALLA ee laga lahaa dalka Bangladesh.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Cabdixakin Yuusuf, ayaa sheegay iney si adag ula dagaallamayaan kooxaha Burcad-badeedda, cid kasta oo falalkaas ku lug lehna ay maxkamad soo taagi doonaan.
Si dhab ah looma xaqiijin karo sheegashada maamulka labaxay Puntland ee ah iney gacanta ku dhigeen xubin katirsan Kooxaha Burcad-badeedda, waxaana maamullada kajira Soomaaliya ay indhaha ka daawadaan maraakiibta Shisheeyaha ee boobeysa kheyraadka, iyagoo heshiisyo ku sheeg la gala, halka ay dhacdo in kalluumeysatada Soomaaliyeed ay dhibaateeyaan, iyagoo ku tilmaamaya iney burcad yihiin.