Maamulka la baxay Puntland ayaa waxaa lagu eedeeyay, in maraakiibta Shisheeye uu ku gacan siinayo xaalufinta ay ka wadaan xeebaha dhulka uu ka arrimiyo maamulkaas.
Maalmihii lasoo dhaafay dhibaatooyin kala duwan ayaa ka taagnaa majaalka kalluumeysiga ee deegaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland.
Dadka deegaanka ayaa gabi ahaanba loo diiday iney ka kalluumeystaan xeebaha, taas badalkeedana ciidamada maamulka la baxay Puntland ay maraakiibta Shisheeye ku gacansiinayaan xaalufinta badda.
Qaar kamid ah kalluumeystada oo ka hadlay dhibaatadaan ayaa waxa ay sheegeen, in arrintu ay hadal soo dhaaftay, ayna diyaar uyihiin iney la dagaallamaan marakiibta Shisheeye, waxay intaa ku dareen in rasaas ay kusoo furayaan dadka kalluumeystada ah.