Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka isku magacaabay Puntaland ayaa lagu sheegay, in gabi ahaanba canshuurta laga joojiyay gaadiidka ganacsi ee ka yimaada dalka Itoobiya.
Wasaaradda maaliyadda ee maamulka iyo taliska Boliska ayaa amar lagu siiyay, ineysan wax dabagal ah ku sameyn karin gaadiidka ganacsi ee ka yimaada Itoobiya, ayna wadada ufududeeyaan.
Sidoo kale waxaa uu maamulkaan amar ku bixiyay in gaadiidkaas lagu diiwaan galiyo taarikada ay wataan oo ah tan Dowladda Xabashida Itoobiya.