Cabdiqaadir Firdhiye oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay SSC Khaatumo oo hadal ka jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu sheegay in ay awood millatari ku qabsan doonaan magaalada Ceerigaabo.
Waxa uu tilmaamay in maamulka la baxay Soomaaliland uu xoog ku qabsaday guryaha dadka rayidka ah iyo guud ahaan magaalada Ceerigaabo sida uu hadalka u dhigay, ayna awood kagala wareegi doonaan magaalada.
Ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland ayaa horraan waxa ay la wareegeen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag, waxaana halkaasi ka dhacay barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka deegaanka.