Bashiir Good oo ah Wakiilka maamulka la baxay Somaliland u fadhiya Washington ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin marti-gelinta saldhig millateri oo Maraykanku ka samaysto dekedda istaraatiijiga ah ee magaalada Berbera oo uu ka arrimiyo.
Isagoo dhawaan wareysi siinayay wakaaladda wararka ee Taas ayuu Bishiir yiri “Somaliland waxay diyaar u tahay inay martigeliso saldhig millateri oo Mareykanku ku yeesho Berbera haddii ay ka faa’iideyso danaha wadaagga ah ee dalalka labada dhinac,”
Waxa uu Bashiir Good, meesha ka saaray in ay jiraan wax dhibaato ah oo xiriirka Muqdisho ku iman kara haddii Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, aqoonsado madax-bannaanida Somaliland, sida ay ku warantay wakaaladda.