Xildhibaan Barkhad Batuun oo kamid ah xildhibaanada maamulka la baxay Soomaalilnad, ayaa ka jawaabay hadal dhawaan uu maamulkaasi iyo doorashada ay qabsadeen ka sheegay wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Fedaraalka Axmad Macallim Fiqi.
Xasan Sheekh Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayuu ugu baaqay inuu 24 saac gudahood xilka uga qaado Fiqi, haddii uu ka qaadi waayana uu isagu qeyb ka yahay dagaal uu sheegay in lagula jiro maamulka uu kamid yahay.