Wednesday, December 25, 2024
HomeAll NewsMaamulka la Baxay Jubbaland oo Lagu Eedeeyay Inuu Diyaarad ku Afduubtay Kismaayo.

Maamulka la Baxay Jubbaland oo Lagu Eedeeyay Inuu Diyaarad ku Afduubtay Kismaayo.

Maamulka la baxay Jubbaland ayaa lagu eedeeyay inuu diyaarad ka afduubtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose.

Diyaarad ay leedahay sharikadd Halla Airlines ayaa la sheegay in magaalada Kismaayo uu ka afduubtay maamulka la baxay Jubbaland, islamarkaana uu kala wareegay qalabkii isgaarsiinta.

Maamulka Shirkadda ayaa waxa ay sheegeen, in duulimaadkooda oo ahaa magaalada Muqdisho uu hor istaagay maamulka la baxay Jubbaland kahor inta aysan duulimaadyada joojin Dowladda Fedaraalka.

Halkii ay Muqdisho aadi lahaayeen ayay sheegeen in lagu qasbay iney diyaaradda ka dajiyaan degmada Doolow ee gobalka Gedo, iyadoo eedeyn ujeediyay maamulka la baxay Jubbaland.

Dowladda Fedaraalka ayaa dhankeeda war ay soo saartay waxa ay ku cambaareysay, tallaabada sharikadda duulimaadka Halla Airlines lagu afduubtay sida ay hadalka udhigtay.

Halkaan ka Degso Warka Eedeynta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments