Iyadoo ay wali gobolka Gedo ka taagan tahay xiisadda udhexeysa maamulka la baxay Jubbaland iyo Dowladda Fedaraalka, ayuu Axmed Madoobe gudoomiye cusub usoo magacaabay gobalkaas, kadib markii uu gudoomiyihii hore la saftay Dowladda Fedaraalka.
Maxamed Xuseen Isaaq oo loo yaqaanno (Al Qaadi) ayaa loo magacaabay inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee maamulka Jubbaland ugu magacaaban gobalka Gedo, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday Axmed Madoobe.
Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayuu hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland sheegay inuu xilkii ka qaaday, isagoo usababeeyay kadib markii uu la saftaay Dowladda Fedaraalka, waxaana kan hadda loo magacaabay xilkiisa uu ahaa gudoomiye ku xigeenkii Shimbir.
Halkan hoose ka Dhegeyso warkan oo dhameestiran.
Halkan ka Degso Warka oo Dhameestiran.