War saxaafadeed kasoo baxay maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay u jareen xiriirka wada shaqeynta ee ay la lahaayeen, iyagoo ku eedeeyey iney wado tallaabooyin khal-khal gelinayo jiritaanka maamulka, kana dha ah dastuurka gacan ku sameyska ah ee ay ku dhaqanto Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.
Hadalkan kasoo yeeray maamulka labaxay Jubbaland ayaa yimid kadib markii uu soo baxay, warar tilmaamaya in Dowladda Federaalka ay la xiriirtay ciidamada Shisheeyaha ATMIS ee jooga Kismaayo, iyadoo ka codsatay iney la wareegaan amniga magaalada Kismaayo.