Mid kamid ah xildhibaanada maamulka la baxay Jubbaland ayaa sheegay, in madaxweynaha Dowladda Fedaraalku ku hagraday dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Xildhibaan Ismaaciil Kerow oo kamid ah maamulka la baxay Jubbaland, ayaa eedeyn culus ujeediyay madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, wuxuuna sheegay in intii uu socday duulaankii ay Gobollada Dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya kusoo qaadeen shisheeyaah Dowladda Fedaraalka, hubkii iyo ciidan ugu badnaa uu Xasan Sheekh geeyay Gobollada Dhexe, iyagana usoo diray wiil yar yar oo aan hubeysneyn.
Isagoo sii hadlay ayuu intaasi ku daray, in ciidamadii tabarta darnaa ee uu usoo diray Xasan Sheekh ay uqeybsameeyn markii kuwo furimihii la geeyay ka carara, iyo kuwo quryihii ay ku hubeeyeen la goostay oo isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.