Shir jiraa’id oo uu qabtay wasiirka warfaafinta ee maamulka la baxay Jubbaland Aaden Axmed Xaaji, ayaa waxa uu ku faahfaahiyay daagalladii shalay ka dhacay deegaanka Raaskambooni.
Waxa uu tilmaamay in deegaanku ay su buuxda ula wareegeen ciidankooda lagana saaray kuwii ay Dowladda Fedaraalka ku daabushay halkaas.
Askar badan ayuu tilmaamay iney isa soo dhiibeen, qaar dhaawacyo ahna ay gacanta ku dhigeen, isagoo intaa ku daray in ay maxkamadeyn doonaan ciddii lagu helo iney dhac iyo dabiyo kale ka geysteen deegaanka.
Masuuliyadda wixii shalay dhacay ayuu dusha kaga tuuray Xasan Sheekh, Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka iyo saraakiishii hogaamineysay ciidanka shalay lagu soo afjray Raaskambooni.
M,a allahu Akbar