Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka ku wareejiyay tobanaan askari oo kamid ah ciidamadii ay ku qabteen dagaalkii Raaskambooni.
Kudhawaad boqol askari oo katirsan ciidamada maamulka labaxay Jubbaland ayaa lagu wareejiyay Dowladda Federaalka.
Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka maamulka labaxya Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud, ayaa ciidamadan markii ay wareejinayeen, wuxuu sheegay in wax weliba oo dhacay ay masuul ka tahy Dowladda Federaalka.
Taliyaha qeybta 143aad ee ciidamada Dowladda Federaalka oo fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo, ayaa la wareegay ciidamadan, wuxuuna sheegay in howshiisu aaney ahayn inuu siyaasad ka hadlo, una yimid Raaskambooni inuu la wareego ciidamada maxaabiista ah.