Warsaxaafadeed kasoo baxay waaxda duulista hawada ee maamulka la baxay Jubbaland, ayaa lagu hakiyay duulimaadyadii ka dagi jiray deegaanka Raaskambooni ee gobalka Jubada-hoose.
Maamulkaan ayaa sheegay in digniin ay si toos ah ugu socoto sharikadaha duulimaadyada ee ka howlgala dalka.
Nidaamka Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in ciddii u hogaansami weysa amarkooda ay iyadu qaadi doonto masuuliyadda wixii ka dhasha arrinkaas.