Maalmo mahor waxaa xabsiyada maamulka Aal-Sacuud ee uu hogaamiyo Dhaxl-suagaagaha Maxamad Ibnu Salmaan laga siidayay, tobanaan ruux oo ay ku jiraan 3 culimo ah.
Culimada xabsiga laga sii daayay ayey magacyadoodu kala yihiin:
1- Sheekh Maxamad Ibnu Cabdil-Caziiz Al-Khudeyri.
2- Dr Maalik Al-Axmad.
3- Sheekh Al-Habdaani.
Culimadan gebigood waxay xabsiyada maamulkaasi ku jireen muddo 7 sano ah, waxaana loo xiray kaliya hadallo ay dhaheen.
Waxaa jira culimo badan waaweyn oo wali jira xabsiyada maamulkaasi, kuwaaso xaqqii ay sheegeen mooyee iyagoo aan waxba galabsadeen lagu xiray mugdiyada xabsiyada, illaa iyo hadda halkaasi ku jira.
Dad qaar ayaa aamisan in sii deynta maxaabiistaan ee uu sameeyay maamulka Aal-Sucuud ay timid kadib markii uu ka baqay, in kacdoonno xooggan ka bilowdaan gudaha dhulka Xarameynta, arrintanina ay tahay iska sii jeedinta indhaha dadka, maadaama isbedel way uu ka dhacay dalka Suuriya.