Maalleeshiyadan oo ay tababartay dowladda Xabashadi Itoobiya islamarkaana ay ku dan gaartay meel cad uga dhaqaaqday, ayaa waxaa bilooyin kahor dhulka Soomaali-Galbeed uga yeertay maamulka la baxay Jubbalnad oo rabay inuu geliyo, dagaalka ka dhanka Shareecada Islaamka ee uu isagu hora uga jiray.
Waxay iyagoo ajiibaya yeeritaanka Axmad madoobe soo gaareen magaalada Kismaayo, kadibna waxaa loo sii gudbiyay jiidda hore ee dagaalka gaar ahaan degaanka Buulo-Xaaji oo dhaca duleedka Kismaayo.
Dhowr bilood oo iyagoo cabsi la nool ay joogeen degaankaas haatan waxay billaabeen iney baxsadaan, islamarkaana ka gudbaan xad-beenaadka, iyagoo halkaasi kasii aadaya dhulka Soomaali-Galbeed.
Askartan baxsadka ah ayaa saldhiggii ay ka deganaayeen Buulo Xaaji uga baxay hub dhuumaaleysi ah sida xog dhab ah oo aan helnay sheegeyso, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka war haya dhaqdhaqaaqooda waxay billaabeen iney beegsadaan oo ay jidka ugalaan.
Kamiin dhawaan ka dhacay duleedka degaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa kusoo dhacay qaar kamid ah malleeshiyaadkan oo si dhuumaleysi ah ku socda, waxaana halkaasi looga dilay 1 askari, qori AK47 iyo booshna waa laga furtay.