Sunday, January 5, 2025
HomeAll NewsLibaax Badeed Dalxiisayaal Talyaani ah ku Weeraray Dalka Masar.

Libaax Badeed Dalxiisayaal Talyaani ah ku Weeraray Dalka Masar.

Wakaaladda Ansa ee laga leeyahay  dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in labo nin oo dalxiisayaal  ahaa islamarkaana udhashay wadanka Talyaaniga uu Libaax badeed ku wareeraray badda Cas, xilli ay udabaal degayeen ciid gaaleedka loo yaqaan Kirismiska.

labadan nin oo midna lubaaxu cunay midka kalena dhaawac halis ah gaaray ayaa ku sugnaa dalka Masar gaar ahaan magaala xeebeedka caanka ku ah dalxiiska ee Mursi Calam, waxayna markii ay badda galeen ka gudbeen labadan nin halkii loogu talagalay dabaasha, iyagoo ku fogaaday badda.

labadan nin ayaa midka libaaxu cunay ee dhintay wuxuu jiray 48 sano waxaana la socday qoyskiisa, libaax badeedka ayaana cunay xilli uu rabay inuu quuso badda, halka ninka kale ee dhaawaca halista ah gaaray uu ku jiray da’da 69-ka, waxaana dhaawaciisa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Boorta Qaalib ee dalkaasi.

Dhacdadan kadib waxaa gebi ahaanba la xiray xeebta magaalada Mursi Calam, iyadoo cabsi xooggan soo foodsaartay dalxiisayaal badan oo ku sugan gudaha wadanka Masar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments