Friday, January 17, 2025
HomeAll NewsLabaatameeyo Qof oo Khamir ay Cabeen ugu Dhintay Dalka Turkiga.

Labaatameeyo Qof oo Khamir ay Cabeen ugu Dhintay Dalka Turkiga.

Wakaaladda Anadol ee laga leeyahay Turkiga ayaa Arbacadii sheegtay, in 19 ruux dad gaaraya ay udhinteen Khamro ay cabeen, muddo ku siman 48 saacadood gudahooda.

Khamrada ayaa ahayd mid wax lagu daray, waxaana war la baahiyay taaladadii lagu sheegay, in 24 saac gudahooda ay udhinteen 11 qof, tirada ayaan sii kordhgeysay marba marka ka dambeysa illaa ay gaartay 19 ruux.

Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga, waxayna warbaahintu tebineysaa in khamradu aysan kaligeed ee wax kale lagu daray, in kastoo aysan cadeyn waxaas nooca ay yihiin.

dhanka kale, 43 qof oo iyaguna khamradan cabay ayaa xaaladooda caafimaad lagula tacaallayaa isbitaal, dhacdadan ayaa digniin dhaba udireysa dadka isticmaala maandooriyaha ee ka hari la’.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments