Garabka milliteri ee Cizzudiin Al-Qassaam ayaa ku dhawaaqay in hogaamiyihii garabkaas Abuu Khaalid Muxamad Ad-Deyf iyo hogaamiyaal kale, lagu dilay dagaalkii ugu dheeraa ee Yahuuddu kusoo qaadeen Marinka Qazza, kaasoo soo gebegeboobay maalmo kahor.
Kalimad maqal iyo muuqaal ah oo uu jeediyay Abuu Cubeyda, oo ah afhayeenka Cizzudiin Al-Qassaam ayaa lagu xaqiijiyay, in Muxamad Ad-Deyf, Marwaan Ciisaa oo ah ku xigeenkiisa, iyo saraakiishii hogaamineysay Liwaa’aatka Khaan Yoonis, Wuqooyiga iyo bartamahaba, ay kamid noqdeen hogaamiyaasha ay u hureen Cizzudiin AlQassaam dagaalka ay la galeen ciidamada Yahuudda.
Abuu Cubeyda ayaa sheegay in khaatumada uu heley Ad-Deyf iyo ragiisa ay aad ugu faraxsanyihiin, dilkuna uu yahay waxay raggu ku go’aan, dhankoodana aaney marnaba wax gorgortan ah ka geli doonin halganka ay kaga soo horjeedaan Yahuudda gumeysiga ku heysata dhulka Filastiin.
Muxamad Ad-Deyf oo lagu kunyeeyo Abuu Khaalid, ayaa dhashey sanadkii 1965-tii, wuxuuna kasoo jeedaa qoys Filastiini ah oo kamid ahaa dadkii dhulkooda laga soo barakiciyay sanadkii 1948-dii.
Waxbarashada heerka iskuullada markii uu kabaxay ayuu ku biiray Jaamacadda Islaamiga ee Qazza, isagoo ka qalin jebiyay kulliyada Culuumta, waxaana uu Muqaawamada Filastiin ku biiray waqti hore oo kamid ah noloshiisa.
Sanadkii 1989-kii ayuu Muxamad Ad-Deyf galay xabsiyada Yahuudda, isagoo ku xirnaa 16 bilood oo xiriir ah, markii uu xorriyadiisa helayna wuxuu sii amba qaaday halganka ka dhanka ah Yahuudda.
Wuxuu kamid ahaa aas-aasayaashii Cizzudiin Al-Qassaam, iyo in Daanta-galbeed lagu baahiyo halganka hubeysan ee looga soo horjeedo Yahuudda, isagoo hogaamiyay camaliyaat nafhurnimo oo ka dhacay gudaha Filastiin iyo Daanta-galbeed, kuwaasoo lagu dilay tobanaan Yahuud ah.
Markale sanadkii 2000 ayaa Muxamad Ad-Deyf waxaa gacanta ku dhigay maamulka Filastiiniyiina ee Raamallaah, laakiin waxaa u suurogashey inuu kasoo baxsado xabsiga billowgii kacdoonkii Al-Aqsaa.
Ka hor inta aaney Yahuuddu ku guuleysan dilka Ad-Deyf, waxaa jiray dhowr jeer oo hore oo uu ka badbaaday hogaamiyahan duqeymo ay la beegsadeen diyaaradaha Yahuudda, waxaana sirdoonka Yahuudda oo kaashanaya kuwa Maraykanka ay tobanaan sano oo xiriir ah ku raad joogeen Muxamad Ad-Deyf.
Marka laga hadlayo weerarkii Dhuufaanul Aqsaa ee dhacay 07-da October 2023-ka, wuxuu Muxamad Ad-Deyf ahaa hogaamiyaha masuulka ka aha abaabulka iyo qorsheynta weerarkan, isagoona tilmaamay in weerarkan lagu difaacayo masjidul Aqsaa, loogana jawaabayo xadgdubyada Yahuudda oo ay kamid ahayd aflgaadeynta Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.
Kadib iclaaminta AlQassaam in Muxamad Ad-Deyf iyo hogaankii sare ee Cizzudiin Al-Qassaam lagu dilay dagaalka Qazza, waxaa baraha bulshad is qabsaday qoraallo tacsi iyo dhiirogelin ah oo ku socda reer Filastiin, iyadoona Muxamad Ad-Deyf lagu bogaadiyay kaalintii uu ka qaatay jabka qaraar ee gaaray Yahuudda.