Sunday, January 19, 2025
HomeAll NewsKumanaan Qoys Ameerikaan ah oo Ka Barkacay Dabka Ka Holcaya Kalifornia.

Kumanaan Qoys Ameerikaan ah oo Ka Barkacay Dabka Ka Holcaya Kalifornia.

Iyadoo wali uusan joogsan dabkii ka billowday magaalada Los Angeles ee wadanka Mareykanka, ayaa waxay durbabab daruufo kala duwan oo dhanka nolosha ah lasoo gudboonaadeen qoysaskii ladnaa ee dabku ka qixiyay magaaladaasi oo maanti qaxooti ah.

Qoysaskan ayaa markii ay qaxeen oo ay tageen tageen goobo ka fog dabka waxay raadiyeen guryo ay degaan, hase ahaatee waxay la kulmeen guryo kiradoodu qaali tahay, taasoo aysan udulqaadan Karin.

Arrintaasi waxay ku noqotay uur ku taallo iyo wal wal joogto ah oo aan faaruqin noloshooda, waxaa intaasi usii dheer oo ka hor muuqda guryahoodii u uku burburay dabka, taasoo mar kale rejadooda ah iney qaxootiga si sahlan uga baxaan sii fogeyneysa.

Ameerikaanka qaxay qaarkood waxay la nool yihiin qoysas kale, taasi oo culeys hor leh ku noqotay dadkii ay utageen, kuna kallifeysa iney kiro raadiyaan.

Waxay ku noqotay iyo lama filaan, in maaanta ay kiro qaali ah ka galaan gurihiin ugu yaraan qiimo ahaan joogay dhowr iyo laabtanka Malyan ee ay ku lahaayeen Los Angeles.

Haatan waxay ku fakarayaan iney dib u laabtaan, mana ka horreeyaan wax ka ahayn dab dambas iyo dabeyllo iswata.

Tirada dhimashadu wali waa 27 ruux, dabkuna waa uu socdaa, wuxuuna gubay dhul kumanaan Hegtar cabirkiisa lagu sheegay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments