Munaasabad lagu soo xirayay kulan dhex maray maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose iyo indheer-garadka beesha Tunni ayaa ka dhacday deegaanka Kunnyo-barrow ee wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose.
Kulanka oo arrimo muhiim ah looga tashaday waxaa ku lammaanayd dowro diini ah taasoo ay muddo bil ah qaadanayeen odayaasha dhaqanka oo ay tiradoodu gaareysay 71 xubnood.