Degmada Buq aqable ee Wilaayada Hiiraan waxaa kusoo gaba gaboobay, kulan wadatashi ah oo muddo todobaad ah socday loogana hadlayay hormarinta dacwada.
Kulanka oo talooyin la isku dhaafsaday waxa uu dhexmaray ducaada Wilaayaatka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Mas’uuliyiinta Labada Wilaayo iyo Mas’uuliyiinta Maktabka dhexe ee Dacwada ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab, waxaana kulanka barbar socotay dowra loo qabtay ducaada Labada Wilaayo.