Diyaaradan oo sidday dad rakaab ah islamarkaana kasoo laabatay wadanka Thailand ee dhaca qaaradda Aasiya, ayaa shil lama filaan ah gashay xilli ay dooneysay iney ka degan garoonka diyaarada ee Mawaan oo ku yaalla Koonfurta wadankaasi.
Waxay diyaaraddu kahor inta aysan shilka gelin kusoo degtay wadada ay ku ordaan diyaaradaha, halkaasi ayeyna si xawaare leh ugi ordeysay, iyadoo wadadii wali ku ordeysa ayaana waxaa ka kacay holac iyo qiiq, wadadii ay ka baxday, waxayna si toos ah ugu dhacday derbi ka dhisan garoonka.
Kadib markii ay shilkaasi gashay waxaa ka kacay dab kaasoo gubay diyaaradda, si daranna waa ay uburburtay, waxaana ku dhintay 179 ruux oo kamid ah 181 ruux oo saarnaa diyaaraddan ayna ku jiraan 6 kamid ah shaqaalaheeda.
Muuqaal laga duubay markii ay shilka geleysay, ayaa lagu arkayaa dhacdooyinka aan idinkaga soo warramay oo dhan, illaa ugu dambeyn marka ay burbureyso.
Nooca diyaaraddan oo rajaab ah waxaa lagu sheegay inuu ahaa Bawinqo 800-737, shilalka diyaaradaha rakaabka ee ka dhacaya Dunida ayaa maalamahan is dabajoog noqday, dhawaan ayeyna ahayd markii diyaarad rajaab ah ay shil ku gashay wadanka Kazakhistaan, kaasoo ay ku dhinteen dad badan.