Dowladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujisay masiirka 29 ruux oo Kenyan ah, kuwaas oo la afduubtay intuu ay socdeen rabshadihii dhawaan ka dhacay dalkaas.
Guddi taabacsan Dowladda Kenya oo ka shaqeeya waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ayaa sheegay, in wali nolol iyo geeri toona lagu la’yahay 29 ruux oo la afduubtay wixii ka dambeeyay kacdoonnadii ka dhacay Kenya.
Baritaan ay sameeyeen ayay ku sheegeen iney ku ogaadeen, in qolyo hubeysan oo aan la garaneyn ay ka dambeeyaan afduubka dadka, shakhsiyaadka la qafaashayna ay ahaayeen kuwa si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Nairobi.
Saddaxdii bilood ee lasoo dhaafay ayuu sidoo kale guddigu sheegay in la afduubtay 13 ruux, taas oo tirada guud ee dadka la qafaashay ama la la’yahay ka dhigeysa 82 qof.