Wali waxaa dalka Itoobiya ka soconaya weerarada iyo dagaallada ay geysanayaan kooxaha mucaaradka ee dowladda Itoobiya.
Deegaanka Aarsi oo katirirsan gobalka Oromiya, islamarkaana qiyaastii 250-KM dhanka Koonfur-bari kaga beegan magaalada Adis Aababa ayaa lagu dilay 9 ruux.
Dadka la laayay ayaa ubadnaa Kirishtan, waxaana la afduubtay 4 kale sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Jabhadda Oromada ee OLA ayaa lagu eedeeyay iney ka dambeyso weerarkaan lagu dilay 9 ruux ee ka dhacay dalka Itoobiya.