Dagaal udhexeeya maleeshiyo beeleed laguna eedeeyay iney ka dambeyso Dowladda Fedaraalka ayaa ka dhacay deegaan katirsan gobalka Sh-dhexe.
Wali waxaa deegaanno katirsan gobalka Sh-dhexe ka soconaya dagaal beleedyo culus oo udhexeeya beelo walaalo ah oo wada dega gobalkaas.
Dagaalkaan oo Dowladda Fedaraalka lagu eedeeyay iney iyadu hurineyso ciidankeedana ka qeyb qaadanayaan ayaa waxa uu geystay khasare kala duwan.
Maalintii shalay tuulooyin hoostaga deegaanka Laba-garas oo duleedka ka ah degmada Cadalle ee Sh-dhexe waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo lagu dilay 7 ruux oo ay ku jirto haweeney.
Waxaa kale oo lasoo warinayaa iney jiraan tiro dad ah oo ku dhaawacmay dagaalladaas, walow aanan helin inta ay la geyihiin.
Odayaal ku sugan Shabeellaha Dhexe oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen, in ciidamo katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ay qeyb ka yihiin dagaalkaan, ayna tiro dad ah ku laayeen deegaanno katirsan gobalka.