Monday, November 18, 2024
HomeWarka GudahaKooxo Hubeysan oo Wiil Soomaali ah ku Dilay Xaafadda Islii ee Nairobi.

Kooxo Hubeysan oo Wiil Soomaali ah ku Dilay Xaafadda Islii ee Nairobi.

Cabdi-Rixiim Cabdullaahi oo ah wiil dhalinyaro Soomaali ah, ayaa lagu dilay xaafadda islii ee magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Koox bastoolado ku hubeysan oo tuugo ah ayaa toogtay wiilkan saqdii dhexe ee habeen hore, waxaana loo badinayaa iney doonayeen iney dhacaan.

Waayadii u dambeysya dilka loo geysanayo Soomaalida ku nool dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa isasoo tarayay, waxaana muuqata in ugaarsi gaar ah lagu hayo.

Halkan kala deg

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments