Wednesday, January 15, 2025
HomeAll NewsKooxda RSF oo Dad Maati ah ku Xasuuqday Gobolka Daarfuur ee Suudaan.

Kooxda RSF oo Dad Maati ah ku Xasuuqday Gobolka Daarfuur ee Suudaan.

Malleeshiyaadka Ad-Dacmu As-Sariic ayaa dad shacab ah ku laayay kaamka barakacayaasha Zam Zam eek u yaalla duleedka magaalada Al-faashir oo katirsan dalka Suudaan, waxayna gumaadka dadkan u adeegsadeen madaafiicda goobta oo ay halkaasi ku duqeeyeen.

Illaa 16 ruux  oo ay ku jiraan caruur, haween iyo waayeel ayey ku dileen kaamka halka ay dhaawaceen 40 kale, kuwaasoo ay xaaladooda caafimaad liidato,

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay kooxdan dhiig daadiinta iyo gumaadka dadka ku caanbaxay duqeynayaan kaamkan, balse marar kala duwan ayey dad shacabka ah halkaasi ku xasuuqeen, waxayna mar waliba xerada Zam Zam uduqeeyaan si ula kac ah, sida looga bartay.

RSF ayaa go’doonka ay ku heyso dadka magaaladan waxay ugu sii dartay gumaadka dadka, taasoo muujineysa in kooxdani ay halis ku yihiin jiritaanka umadeed ee reer Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments