Sunday, January 5, 2025
HomeAll NewsKooxda RSF oo Dad Barakacayaal ah ku Xasuuqday Gobolka Daarfuur ee Suudaan.

Kooxda RSF oo Dad Barakacayaal ah ku Xasuuqday Gobolka Daarfuur ee Suudaan.

Duqeyntan oo ahayd madaafiicda goobta, islamarkaana ay ka dambeeyeen malleeshiyada RSF ee ay taageerto xukuumadda Imaaraadka, ayey la beegsadeen kaamka barakacayaasha ee loo yaqaan Abu Showk, oo ku yaalla magaalada Al-Faashir ee xarunta gobolka Daar-Fuur.

Dad gaaraya 4 ruux ayey dileen madaafiicda ay geneen RSF, halka ay dhaawacyo kala duwan gaarsiiyeen 8 kale, kuwaasoo 5 kamid ah loola cararay isbitaalka Al-Sucuudi si loo daaweeyo.

Kooxdab loogu yeero Ad-Dacmu As-Sariic ayaa si joogto ah duqeynaya magaalada Al-Faashir tan iyo bishii May ee 2024-kii, iyagoo dhanka kale go’doon ku haya, waxayna doonayaan iney ka qabasadaan ciidank Suudaan ee ku sugan.

Malleeshiyadan ayaa inta lagu guda jiro dagaallada ka socda wadanka Suudaan waxay geysteen jaraa’im aad u waa weyn oo ay kula kaceen shacabka dalkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments