Saturday, January 11, 2025
HomeAll NewsKhubarro Sheegay in Al-Shabaab aysii Xoogeysaneyso Kana Faa'iideysaneyso Khilaafaadka Shisheeyaha iyo DF.

Khubarro Sheegay in Al-Shabaab aysii Xoogeysaneyso Kana Faa’iideysaneyso Khilaafaadka Shisheeyaha iyo DF.

Khubaro Ka Faallooda arimaha Ammaanka ayaa Sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii Xoogeysaneyso, Kana Faa’ideysanayso Khilaafaadka u dhexeeya Shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka.

Warbixin uu daabacay Muntadaha arimaha Difaaca ee Afrika ee magacisiisa loo soo gaabiyo ADF, ayaa lagu sheegay in awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xooganeyso marba marka ka dambeysa, ayna ka faa’ideysaneyso isku dhecyada iyo khilaafaadka u dhexeeya Shisheeyaha iyo Dowladda Fedderaalka ee heshiiska ku ah inaaney Soomaaliya ka hirgelin awood Islaami ah oo dadka ku hogaamiso ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Selam Tadese oo ah oo falanaqeeye amni oo ka howlgala machadka diraasaatka amniga ee ISS, ayaa aaminsan in khilaafka waayadii u dambeysay ka dhexeeyay Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, uu fursad u yahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasoo uu sheegay iney ka xoog badantahay sidii hore, dadkuna wada ogyihiin.

Isagoo la hadlayay xarun warbaahineed oo tabisa wararka Qaramada Midoobay laguna magacaabo Pass Plue ayuu khabiirkan amniga ah sheegay, inuu yaraaday dagaalkii ka dhanka ahaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasina ay fursad u siisay Al-Shabaab iney awoodeeda kor u qaado, waana sida aan hadda arkeyno, sida uu sheegayo Selam Tadese.

Sida ay warbixinta ADF tilmaameyso iyadoo soo xiganeyso khubarada amniga, ciidamada Dowladda Federaalka awood uma lahan iney ka hortagaan weerarada ka imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, haddii ay ciidamada Shisheeyaha dalka ka wada baxaanna waxay ka dhigantahay in ciidamada Somaalida aaney qaadi karin masuuliyadda amni ee Soomaaliya.

Dhacdooyinka ay cadeymo ahaan usoo qaadaneyso warbixinta waxaa kamid ah, weerarkii duqeynta ahaa ee bishii November ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen xarunta Xalane, oo ah taliska ugu weyn ee Soomaaliya ku leeyihiin Shisheeyaha.

Weerarkaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa muujiyay heerka weli ay gaarsiisantahay awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa sidoo kale warbixintu soo qaadatay camaliyad Istish-haadiyo ah oo October ka dhacday Muqdisho, taasoo gallaafatay nolosha askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka.

Warbixinta waxay sidoo kale soo hadal qaaday hubanti la’aanta ka taagan duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya, kaasoo sanadka cusub qorshuhu ahaa in magaca loo bedelo, howshiisana lasoo koobo, laakiin iyadoo maalmo un ka harsantahay mudada, hadana weli ma cada qorshaha duullaankaas, lamana hayo maalgelin rasmi ah.

Halkaan ka Degso Warka Khubarrada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments