Xilli mudooyinkii lasoo dhaafay waanwaan laga dhex waday maadaxda hogaanka TPLF, ayaa waxaa lasoo warinayaa in markale uu sii xoogeystay khilaafka udhexeeya madaxda kooxdaas.
War kasoo baxay maamulka kumeel gaarka ah ee gobalka Tigreega ayaa waxa ay ku sheegeen, in hogaamiyayaal katirsan kooxda uu abaabulayaan inqilaab ka dhan ah maamulka Getachew Reda.
Maamulka Reda ayaa isana lagu eedeeyay iney billaabeen beegsida saraakiil ciidan, iyo iney xilka ka qaadeen madax katirsan maamulka kumeel gaarka ah ee ka jira gobalka, waxaana dacwadaasi gudbiyay guddi ku shaqeynayay howlaha nabadeynta ee mandiqadda Tigreega.