Isbuurashadan ayaa maalintii shalay ka dhacday magaalada Abuja ee caasimadda wadanka Nayjeeriya iyo Okija oo dhacda Koonfurta dalkaasi waxaana ku dhintay dad badan haalka ay ku dhaawacmeen qaar kale.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay intava, waxay naftooda waayeen xilli ay dadaal ugu jireen sidii ay uhelilahaayeen wixii ay cuni lahaayeen, kadib isriix iyo isku awood sheegasho halkaasi ka dhacday kadibna waxaa dhacday isbuurasho taasoo naftooda gallaafatay.
Haddii aan sheegni dadka ku dhintay dhacdada iyo goobaha ay ku kala dhinteen, waxaa ugu horreysa magaalada Abuja ee caasimadda dalkaasi, waxaana halkaasi kaliya ku dhintay 10 ruux oo isbuurashadan sabab u ahaydm halka ay dhaawacmeen 8 kale, waxayna dhimashadan iyo dhaawaca la kulmeen xilli ay safaf dhaareer ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen raashin ay mandiqadda Maytama ku qeybineysay kaniisadda Al-Thaalooth.
Dhanka Magaalada Okija ee gobolka Anambara oo dhacda Koonfurta dalkaasi, waxaa ku dhintay dad tiradooda lagu sheegay 3 illaa 20 ruux, qaar kale waa dhaawacmeen, sababo la xiriira isbuurasho kale oo halkaasi ka dhacday, xilli ay ku dadaalayeen sidii ay ku heli lahaayeen wax ay dhuunta mariyaan.
Khamiistii lasoo dhaafay ayey ahayd markii 32 ruux ay sidan oo kale ku dhinteen isbuurasho ka dhacday madarso Islaami ah oo ku taalla gudaha dalkaasi.
Dowladda Nayjeeriya waxaa lagu tilmaamaa iney tahay midda dad ahaan ugu badan qaaradda Afrika, hase ahaatee waxay waqtigan wajaheysaa xaalad nololeed oo aad u daran, taasoo soo jiitameysay tobanaan sano, waxaana ugu wacan iney dadka wadankaasi heerkaan gaaraan islamarkaana helidda Bariis iyo wax lamid ah awgood udhintaan, xukuumadda dalkaasi ka taliska oo heerkan gaarsiisay wadanka, daruufta dhaqaale ee inta la egna sabab u ah.