Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Ruushka ayaa Habeen hore duqeeyay magaalada Odisa ee dhacda Koonfurta Ukraine, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ay caruuri ku jiraan.
Wararka laga helayo dalkaasi waxay sheegayaan, in 1 ruux uu ku dhintay duqeynta islamarkaana ay ku dhaawacmeen 10 kale, kuwaasoo ay labo caruur ah ku jiraan.
Gudoomiyaha magaalada ay duqeyntu ka dhacday ayaa war uu soo saaray ku sheegay, in qofka ku dhintay duqeynta ay tahay haweeney 35 jir ah.
duqeyntan ka dhacday magaalada Odisa ayaa waxay dhanka kale wax yeello kasoo gaartay guryo iyo baabuur farabadan.
madaxweynaha dowladda Ukraine ayaa xilligan rejeynaya inuu soo dhamaado dagaalka udhaxeeya iyaga iyo Ruushka, kaasoo socda muddo ku dhow 3 sano.