Guutada madaafiicyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa galabta tiro madaafiic ah ku garaacay, saldhigga ciidanka maamulka la baxay Jubbaland ee ku yaalla degaanka Buulo-Xaaji oo dhaca duleedka Kismaayo.
Madaafiicdaasi ayaa ku dhacay gudaha xerada, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah oo soo gaaray askarta maamulkaasi.
Ciidamo la sheegay iney ka badan yihiin 15 askari ayaana ku dhaawacmay weerarkan.
Dhanka kale qarax ka dhacay xaafadda Abagado ee degmada Dharkenley oo katirsan magaalada Muqdisho, ayaa maanta waxaa lala beegsaday bar-koontarool ciidanka Dowladda Fedaraalka gaar ahaan kuwa sirdoonka utiilay xaafaddaasi, waxaana ku dhaawacmay 1 askari.
Sido kale duleedka degaanka Xawaadleey ee gobolka Sh/Dhexe waxaa maanta ka dhacay qarax, kuwaasoo lala eegtay askar katirsan kuwa Dowladda Fedaraalka oo lugeynayay, waxayna xogta la helayo ee ku aaddan weeraradaasi tilmaameysaa inuu jiro khasaare soo gaaray ciidankii la beegsaday.
Howlgallada ka dhanka ah askarta Dowladda Fedaraalka iyo ciidanka Shisheeyaha ayaa marba marka ka dambeysa sii labo lixaadsanaya, iyadoo khasaare culus oo naf iyo maalba isugu jira uu gaaray shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka.