Dowladda Ruushka ayaa xalay diyaarado Drones ah ku weerartay magaalada Tarnobiil ee dhacda Galbeedka dalka Ukraine, wuxuuna weerarkan sababay in dhanka Galbeedka ee magaalada ay korontadu ka go’do.
Koronto la’aanta dhanka Galbeed ee magaalada ayaa timid iyadoo horayba qeybo badan oo kamid ah magaalada iyo hareeraheeda ay ka go’neyd korontada isbuucii kan ka horreeyay, taasoo uu sababay weerar sidan oo kale Ruushku uga geystay magaalada.
Galabnimadii Isniinta ayey ahayd markii weerar kan lamid ah uu dhacay isla magaaladan, kaasoo uu Ruushku ku dilay 1 ruux ayna ku dhaawacmeen kuwa kale.
Magaalada Tarnobiil ayaa ah kamid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka Ukraine, waxayna dadka ku nool magaalada iyo hareeraheeda dagaalka Ruushka kahor kor udhaafayeen 1 malyan oo Ruux.