Friday, January 17, 2025
HomeAll NewsKhasaaraha Dadka ku Dhintay Dabka ka Holcaya Maraykanka oo Sii Kordhay.

Khasaaraha Dadka ku Dhintay Dabka ka Holcaya Maraykanka oo Sii Kordhay.

Maalintii sideedaad oo xiriir ah waxaa gobolka Kaliforniya dalka Mareykanka ka holcaya dab si aad ah ufidaya iyo duufaanoo xooggan oo is wata .

marka laga hadlayo dabkan halka ay indhuhu islamarkiiba qabanayaan waa magaalada Los Angeles oo ah halka ugu badan ee dabkan iyo duufaannadu saameyn ku yeesheen, Mareykankuna ku waaayay naf iyo maal intaba.

Los Angeles waxay ahayd il dhaqaale oo ay leedahay Dowladda Mareykanka, balse xilligan iyada ayey maalgelin joogto ah ku socotaan daqiiqad waliba, maadaama ay gubaneyso.

Markii aan u imaano tirade dhimshada, dadka barakacay iyo saameynta dabkan, waxay dhimashadu mareysa 25 ruux sida warbaahintu tebineyso, waxaana suurgal ah iney intaasi ka badan tahay.

Tan iyo inta uu ka holcayo halkaasi dabkan waxaa ku burburay guryo ka badan 12 kun, halka ay barakaceen qiyaas ahaantii 200 kun oo qof, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

ku dhawaad 10,000 [toban kun] oo kooxaha dab damis ah islamarkaana ka kala socday wadamada  Mareykanka, Canada iyo Mexico ayaa isku dayay iney damiyaan dabkan, hase ahaatee way ku guul darreysteen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments