Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in boqollaal askari oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka ay isku soo dhiibeen Kenya, kuwaasoo kasoo tallaabaday xadbeenaatka Soomaaliya iyo Kenya, kadib dagaallo adag oo ay kala kulmeen ciidamada maamulka labaxay Jubbaland.
Warbixin uu daabacay wargeyska The Nation oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ee kasoo tallaabay xadbeenaatka ay tiradoodu gaareyso ugu yaraan 600 oo askari, kuwaasoo watay hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil katirsan ciidamada milliteriga Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo KDF ayaa sheegay, in ciidanka ay gacanta ku hayaan ay ku sameeyeen hub ka dhigis, kuwaasoo ay tilmaameen in maalintii Arbacada ay kasoo gudbeen deegaanka Ashkiaani oo kala qeybiya Soomaaliya iyo gobolka Laamu oo kamid ah gobollada ay degaan muslimiinta, balse ay xoog ku heysato dowladda Kenya.
Xoghayaha arimaha gudaha ee Kenya ninka lagu magacaabo Omolo ayaa sheegay, iney aad u xakameeyeen boqollaalka askari ee isku soo dhiibay, ayna qorsheynayaan sidii ay dib ugu celin lahaayeen dalka Soomaaliya.
Arintan ayaa fadeexadii ugu weyneyd ku noqotay Dowladda Federaalka oo maalmo kahor ku hanjabeysay iney ciidamadeedu tagi doonaan magaalada Kismaayo ee uu gacanta ku hayo Axmed Madoobe, dowladda Kenya ayaana bahdilkii ugu weynaa u geystay ciidamadan, kadib markii ay kasoo qaaday sawirro iyagoo gacmaha taagaya, hub kadhigisna lagu sameeyay.
Cabdi Salaam Guuleed oo horey usoo noqday taliye kuxigeenkii hay’adda NISA ee Sirdoonka Dowladda Federaalka, ayaa wejigabax iyo ceeb ku tilmaamay waxa ku dhacay ciidamada Dowladda Federaalka.