Wafdi milliteri oo ka socoda dowladda Kenya ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen saraakiisha ugu sareysa ciidanka Itoobiya.
Wafdiga dowladda Kenya ka socda ee gaaray dalka Itoobiya waxaa horkacayya taliyaha guud ee ciidamada Kenya, waxaana wadahadallada labada dhianc dhexmaray lagu sheegay in lagu xoojinayo iskaashiga milliteri ee ka dhexeeya labada dal marka laga hadlayo duullaanka ay ku joogaan Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada Itoobiya Berhanu Julla oo kulanka shir gudoominayay ayaa sheegay, in dhinacyada Kenya iyo Itoobiyaba ay ka go’antahay iney si dhow isaga kaashadaan arimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Kulanka dhexmaray saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee ka dhacay magaalada Adis Ababa, ayay dhinacyadu waxay isku dhaafsadeen xogo iyo macluumaad la xiriira arimaha milliteriga iyo duullaankooda Soomaaliya, waxaana muuqata in Itoobiya ay aad u daneyneyso iney soo dhaweysato Kenya, si ugala sii shaqeyso in ciidanka Itoobiya ay qeyb kasii ahaadaan duullaanka Soomaaliya.
Bishii Febraayo ee sanadkan sii dhamaanaya ayay ahayd markii taliyaha ciidamada Itooibya Berhanu Julla iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairoobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen madaxda sare ee ciidanka Milliteriga Kenya.
Kenya iyo Itoobiya aya kaalin udub dhexaad ah ka qaadanaya duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, labadan dal ayaana gumeysi ku heysta dhul Soomaaliyeed, waxaana intaa u dheer in xilligan ay u xusul duubayaan iney qaataan dhul dheeri ah, arintaasina waxaa ku gacan siinaya siyaaisyiinta Soomaalida ee Shisheeyaha ku daaban.