Ibraahim Maxamuud Cali iyo Sharma’arke Nuur oo ahaa kalluumeysato u shaqo tagtay xeebaha magaalada Muqdisho ayaa cilad qabsatay Doontii ay wateen waxay sababtay in 25 maalmood ay Badda ku jiraan.
Hadda ayay dalka dib ugu soo laabteen, waxaana ay ka warbixiyeen xaaladda qabstay, sida ay ku noolaayeen iyo dhibaatooyinka ay lasoo kulmeen.
Xilligan waxaa badda kajiro dabeylo xoogan, kuwaasoo saameeyn ku yeeshey kalluumeysatada Soomaaliyeed.