Kalluumeysatada ka howlgasha dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntaland ayaa billaabay iney qafaashaan Maraakiibta xaalufinta ka wada xeebaha, kadib markii wax laga qaban waayay cabasho ay jeediyeen.
Dhawaan dadka Kalluumeystada ah ee ka howlgala dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayaa waxa ay ku hanjabeen, iney gacanta ula tagi doonaan maraakiibta Shisheeye ee xaaulufinta ka wada xeebaha, kadib markii uu maamulku wax ka qaban waayay maraakiibtaas.
Kacdoonla Kalluumeysatada ayaa hanjabaadooda ficil u badalay, waxa ayna gacanta ku dhigeen mid kamid ah Maraakiibta Shisheeye, kaas oo qeyb ka ahaa kuwa Kalluumeysatada ku dhibaateyn jiray xeebta, sida uu sheegayo mid kamid ah kalluumeysatada gacanta ku dhigtay Markabka.
Waxa uu tilmaaamay, in markabka ay ka heleen qalabyaadii ay maraakiibtu ka qaadi jireen Kalluumeysatada, dhibaatada ba’anna ku hayay dadka halkaas ku nool.