Magaalooyinka waaweyn ee dalka Suuriya waxaa ka soconaya dabaaldegyo farxadeed, kuwaasoo ay dhigayaan dadka reer Suuriya oo ku faraxsan in wax kabadan nus qarni kadib, ay ka xoroobeen Nidaamkii Nuseyriyada.
Masjidka Al-Umawi ee magaalada Dimishiq ayaa waxaa maanta isugu yimid kumanaan kun oo ruux, kuwaasoo salaadda Jimcaha ku tukaday masjidka, halkaasna ay kula hadleen masuuliyiin katirsan maamulka cusub ee Suuriya.
Fagaarayaasha Xammaah, Xalab, Ximis, Idlib, Al-Laadiqiyah, Darcaa iyo kuwa kale, ayay dadku isugu soo baxeen, iyagoo farxaya, aadna isugu hambalyeynaya, tilmaamayana in guushan ay heleen ay rumeysan la’yihiin.
Jimcihii guusha ayaa loogu magacdaray dalka Suuriya, waxaana horey ugu baaqay iney dadku isugu soo baxaan hogaanka sare ee Kacdoon-wadayaashii isku bedeley dowladda rasmiga ah ee dalkaas.