Jabhadda Oromada ayaa Weerar culus oo ay fulisay waxay ku dishey Tobanaan ruux oo ay kujiraan Masuuliyiin katirsan Dowladda.
Weerarka ayaa ka dhacay wuqooyiga magaalada Shaw ee dhacda galbeedka magaalada Adis Ababa, waxaana lagu dilay ugu yaraan 48 ruux oo Itoobiyaan ah, oo ay ku jiraan masuuliyiin katirsan xukuumadda.
Kooxda OLA ee Oromada taabacsan ayaa weerarka geystay, waxaana war kasoo baxay hay’ad sheegta iney u doodo xuququda Aadanaha oo fadhigeedu yahay dalka Itoobiya, ay masuuliyadda weerarka dusha kaga tuurtay jabhadda mucaaradka.
Marka laga yimaado dadka lagu dilay weerarka, waxaa sidoo kale ay jabhadda OLA afduubtay tiro dad ah oo ay shacab kamid yihiin, sida ay warbaahinta caalamiga ah u sheegeen ilo wareedyo gudaha ah.
Colaadda dalka Itoobiya ayaa faraha kasii baxeysa, waxaana marka laga yimaado dagaalka Amxaarada hadda soo karaar qaadanaya jabhadda Oromada, oo iyaduna kasoo horjeeda Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.