Maamulka Oromiya ee dalka Itoobiya ayaa wali sii wada, inuu dhismayaal horleh ka dhiso duleedka magaalada Bombaas oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay gumeysato Itoobiya.
Tuulooyin kale oo dhowr ah oo kamid ah gobalka ayay sidoo kale isku fidiyay maamulka Oromiya, iyagoo dajinaya dadka Xabashida ah.
Ciidamo dadka deegaanka ah ayaa waxa ay kolkii hore ku guuleysteen iney weeraraan oo ay kala didiyaan maamulkii Oromiya ee dhulboobka ka waday mandiqadda, balse maalmo kadib ayay dib usoo rogaal celiyeen, iyagoo halkaas dajiyay dad Xabashi ah.