Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujisay weerarada ay Maleeshiyaadka Xuuhthiyiinta ku hayaan maraakiibta isticmaasha xeebaha Badda Cas.
Waxaa walaac horleh ay soo foodsaartay, maraakiibta shinxnadaha kala duwan usiday Itoobiya ee itishmaali jiray xeebaha dalka Jabuuti.
Waxa ay billaabeen iney wareeg dheer sameeyaan, walaacaan xagga amniga ah ayaana keenay, in sharikadaha ay adeegsadaan maraakiib yaryar ee ku xiran konteennarada ku wajahan dalka Jabuuti oo ah dakada ugu weyn ee ay kasoo dagaan badeecadaha la geeyo Itoobiya.
Dowladda Xabashida Itoobiya oo horay digniin uga soo saartay arrintaan ayaa waxa ay Qaramada Midoobey ugu baaqday, ciidankooda lagu daro kuwa howlgallada ka fulinaya xeebaha Badda Cas, iyagoo isticmaalaya dekadaha qaar sida Berbera iyo Jabuuti.