Dibadbax looga soo horjeedo amar haweenka Muslimaadka ah looga dhigayo xijaabka Sharciga ah ayaa ka dhacay gobalka katirsan dalka Itoobiya.
Gobalka Tigre ee woqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay dibadbax ay dhigeen haweenka Muslimaadka ah ee wax ka dhigta madaarista ku taalla gobalkaas, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan amar xijaabka looga dhigayo haweenka.
Didbabaxa ayaa si gaar ah kaga dhacay magaalada Axum ee ka tirsan ismaamulka Tigre, waxaana ay sheegeen in Dowladda Xabashida Itoobiya ay ku amartay ineysan xijaaban karin.