Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ah caasimadda dalka Kenya waxaa ka dhacay, iska hor’imaad khasaare dhaliyay oo dhex maray ciidanka Boliska iyo ruux hubeysan.
Magaalada oo maalmihii lasoo dhaafeyba ay ka dhacayeen dilal iyo dhac loo geysanayo dadka Soomaalida ah ee halkaasi ku nool, ayaa waxa ay ciidanka Boliska Kenya sheegeen iney iska hor-imaad la galeen ruux hubeysan.
Waxa ay tilmaameen in nin ku hubeysan bastoolad ay isku dayeen iney gacanta ku dhigaan, balse uu la dagaallamay ciidanka taas oo ugu dambeyn sababtay iney toogtaan ruuxaas.