Xogo dheeraad ah ayaa laha helayaa meydka nin dhaqtar ah oo laga dhex helay isbitaal ku yaalla magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer, halkaas oo uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.
Dhaqtarka meydkiisa la helay ayaa lagu magacaabaa C/Shakuur Saleebaan, waxa uuna kamid ah bahda caafimaadka ee ka howlgasha magaalada, xalay ayaana meydkiisa laga helay qolka shaqaalaha ee isbitaalka ku yaalla Burco.
Illaa hadda ma cadda sababta ka dambeysa geerida dhaqtarkaan, balse bahda caafimaadka ee isbitaalka uu ka shaqeynayay ayaa sheegay in mar qura uu wadnuhu istaagay.