Wednesday, January 8, 2025
HomeAll NewsInkabadan 60 Ruux oo Ku Waxyeeloobay Silsilado Weeraro ah oo Ka Dhacay...

Inkabadan 60 Ruux oo Ku Waxyeeloobay Silsilado Weeraro ah oo Ka Dhacay Maraykanka.

Dalka Maraykanka waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay silsilado weeraro ah, kuwaasoo gallaaftay nolosha dad badan oo Ameerikaan, xaalad argagax iyo rucbi ahna ka dhaliyay gudaha dalkaas.

Gelinkii dambe ee maalintii shalay, ayaa weerar loo adeegsaday gaari waxaa uu ka dhacay magaalada New Orleans, gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka.

Weerarka ayaa yimid kadib markii nin kaxeynayay gaari nooca xamuulka ah uu soo dhexgalay goob ay ka socotay dabaaldegyada ciida Kirismiska ee billowga sanadka miilaadiga, waxaana si kedis isku bedeley jawigii dabaaldega.

Sida ay ku warameen goobjoogayaal la hadlay warbaahinta, ninka weerarka fuliyay ayaa dad badan la dul maray gaariga, waxaana ugu dambeyntiii uu kasoo degay gaariga isagoo hubeysan, intii uu dili karay ayuuna goobta ku dilay.

Ciidamada Booliiska Maraykanka ee ku sugnaa goobta ayaa rasaas huwiyay fuliyaha weerarka, taasoo keentay in ugu dambeyntii uu goobta ku geeriyoodo.

Dowladda Maraykanka laamaheeda kala duwan ayaa ka hadlay weerarkan iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid argagaxiso, waxaana FPI-du sheegtay iney wado baaritaanno dheeri ah.

Sida ay tilmaamayaan laamaha ammaanka dalka Maraykanka, fuliyaha weerarka waa 41 sano lagu magacaabo Shamsu-diin Jibaar, horeyna wuxuu uga tirsanaa ciidanka Maraykanka, isagoo waayadii dambe ka shaqeysanayay iibinta dhulka.

Gaariga uu watay ayaa la sheegay in laga dhex heley calanka Towxiidka ee ay Muslimiintu leeyihiin iyo bambaanooyin dhowr ah, taasoo muujineysa in daafica weerarka uu yahay mid Islaami ah.

Weerarkan ayaa dhaliyay khasaarihii ugu cuslaa ee gaara waayadan dadka Ameerikaanka ah, inta la xaqiijiyayna waxaa ku dhintay 15 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale, waxaana suurogal ah in khasaaruhu intaas ka bato.

Dhanka kale, weerar isagana loo adeegsaday gaari xamuul ah oo lagu soo raray qaraxyo ayaa ka dhacay magaalada Lasvegas ee dalka Maraykanka.

Weerarka ayaa si gaar ah waxa uu kaga dhacay hotelka uu Donald Trump madaxweynahal a doortay ee Maraykanka ku leeyahay magaalada, waxaana ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Booliiska Maraykanka oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in weerarka uu ka dhashey dhimashada hal ruux iyo dhaawaca todobo kale.

Masuuliyiinta Ameerikaanka waxay tilmaameen iney baarayaan suurtogalnimada in weerarku yahay waxay ku sheegeen argagaxiso, oo ay ula jeedaan in fuliyaha weerarka uu yahay qof muslim ah.

Sidoo kale waxaa weerar toogasho ah lagu qaaday maqaaxi lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Newyork ee dalka Maraykanka.

Nin hubeysan ayaa toogasho ka geystay maqaaxidan oo ku taalla mandiqadda Kuwinz ee magaalada Newyork, inta hadda la ogyahana waxaa ku dhaawacmay 10 ruux.

Isu geynta khasaaraha ka dhashey weeraradan saddexda ah ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Maraykanka ayaa ah dhimashada iyo dhaawaca 63 ruux oo Ameerikaan ah.

Joe Biden iyo Donald Trump ayaa tilmaamay in weeraradan ay yihiin kuwa argagaxiso, ayna yihiin kuwii ugu adkaa ee waayadan lagu soo qaaday dalkooda, iyagoona ku goodiyay iney tallaabo qaadi doonaan.

Maraykanka ayaa ah dalka ugu horeeya ee hogaaminaya duullaannada iyo dulmiga lagu hayo Muslimiinta caalamka, gantaallada dowladan ayaana ah kuwa lagu gumaadayo ehelkeena jooga Qazzada dhaawacan, waxaana ay imaanayaan weeraradan iyadoo hogaamiyaasha Mujaahidiinta ay horey ugu baaqeen dhalinyarada muslimiinta ee ku nool dalalka reer galbeedka iney qaadaan weeraro keligii duulnimo oo lagu beegsado danaha Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments